Site icon Radio Daljir

Jaamacadda Carabta oo ku Celisay in Somalia laga Taageero Qalabynta Ciidamada

Talaado, Juun 23, 2015 (Daljir)_ Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Alcarabi ayaa sheegay inay cambaareynayaan weerarkii  Alshabaab dhawaan ku qaadeen Xarunta Tababarka Ciiddanka Nabadsugida ee magaalladda Muqdisho iyo dilkii Khasnajigii Khaaska ee Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Somalia.

Dr. Nabiil Al-carabi oo shalay Bayaan ka soo saaray Xarunta Dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira, waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka inay  Dowladda Federalka Somalia taageero ka siiyaan dadaalka ay ugu jirto Dib-u-dhiska iyo xoojinta Hay’addaha Ammaanka iyo kuwa Milliteriga.

Waxa kaloo uu ku baaqay in Dowladda Somalia laga taageero awoodda ay kula dagaalamayaan Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Daljir.com

Exit mobile version