Jaamacadda Bariga Afrika oo Hirgelisay Hannaan Waxbarasho oo xagga internetka ah (dhegayso)

Jaamacadda Bariga Afrika oo Hirgelisay Hannaan Waxbarasho oo xagga internetka ah (dhegayso)

Jaamacadda Bariga Afrika oo ka mid ah Jaamacadaha ugu ballaaran ee deegaannada Soomaalida, dhinaca kale ka mid ah Jaamacadaha ugu facaweyn ama ugu asaas horreeyey ayaa dhawaan hirgelisay adeegyo waxbarasho oo xagga internetka, kuwaasi oo ay duruusta ku qaadanaya ardada Jaamacaddaasi oo tiro ahaan ka badan 4,000 oo arday.

Qorshahaan waxbarasho ee Onlie ku gudbinta duruusta Jaamacadda, ayaa ah midkii ugu horreeyey ee noociisa ah oo laga hirgeliyo deegaannada Soomaaliya, kaasoo loo abuuray ka taxadaridda safmarka cudurka Corona Virus oo dunida siweyn u saameeyey, loona hakiyey hannaankii horay ardadu wax ugu baran-jireen ee ahaa fariisashada fasallada.

Muddadii uu hakadka ku jiray hannaankii hore ee waxbarashada ee ardadu fasallada tagi-jireen ayaa Jaamacadda Bariga Afrika adeegsanayey nidaam Online ah oo casri ah, kaasoo aakhirkiina ardadu imtixaannada ku galeen.

Prof. Cabdisalaan Maxamed Salwe oo ah guddoomiye kuxigeenka qaybta akadeemiyada ee Jaamacadda Bariga Afrika, ayaa Radio Daljir sharrax ka siiyey habka ay u badaleen waxbarashadii Jaamacadda iyo duruus dhigashadii ardada.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com