Jaamacadda American Open University oo markii ugu horeysey laga hirgeliyey deegaamada Puntland.

Garoowe, 2 Feb, 2016-Magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland ayaa waxaa markii ugu horaysay si rasmi ah looga daahfuray Jaamacadda American Open University (AOU fareceeda Puntland

Waxaa ka qaybgalay daahfurka wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland, agaasimaha mashaariicda, farsamada gacanta iyo tababarada macalimiinta maamulada Jaamacadaha gobolka, culimaa’udiin, Isimo, arday, haween iyo dadweyne kale.

Sheekh Maxamed Cumar Axmed gudoomiyaha oo ah jaamacadaan cusub ee AOU, ayaa kasheekeeyey taariikhdii jaamacadda oo markii ugu horeysey laga hirgeliyey gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, kadib markii culimo iyo caalimiin Islaam ah ay ku tashteen hirgelinta jaamacaddii ugu horeysey ee Islaami ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Jaamacaddu ay bixin doonto duruus diini u badan oo lagu baranayo habka waxbarashada fog ama distance learning, waxaana uu tilmaamay in jaamacaddu ay bixin doonto waxbarashada sare gaar ahaan Master degree oo lagu bilaabi doono.

Dhnaka kalena Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf gudoomiyaha jaamacadda Bariga Africa ee gobolka Nugaal ayaa soodhoweeyey jaamacadda, wuxuuna bogaadiyey macalimiinta iyo aqoonyahanka xilka Iskasaaray sidii ay usoo kordhin lahaayeen aqoontaani oo uu sheegay in siweyn loogu baahnaa.

Ugu dambayn wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Dr Maxamed Cali Faarax oo furay Jaamacadda ayaa tilmaamay in jaamacaddu ay soo kordhin doonto deraasaad gooni ah oo aan horay jaamacadaha uga bixijirin ayna ka wasaarad ahaan ku faraxsan yihiin.

Diiwaanka Wararka Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com