Jaamacad Cusub oo loogu magacdaray Ra’iisul wasaare Kheyre (sawiro)

Jaamacad Cusub oo loogu magacdaray Ra’iisul wasaare Kheyre (sawiro)

Ra’iisul wasaaraha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magalaada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa galabta booqday jaamacad cusub oo loogu magacdaray oo laga furay Baydhabo.

Jaamacadda Kheyre ayaa lasoo sheegayaa ra’iisul wasaaraha inuu mushaarkiisa qayb ka mid ah uu ugu deeqay ardayda jaamacadda dhigata qayb ka mid ah.

Mudane Khayre ayaa booqashadiisa jaamacadda waxaa ku wehliyay madaxwaynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya , socdaalkiisa Baydhabo ayaa waxaa qayb ka ah inuu la kulmo madaxda sare ee maamuka Koonfur Galbeed iyo shacabka, wada tashina uu kala sameeyo arimaha la dagaalanka Al-shabaab ee gobolka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com