Jaaliyadaha Puntland ee Yurub oo Hogaan Cusub Yeeshay

Talaado, September 29, 2015 (Daljir) —Shir soconaya shan maalmood ayaa magaalada helisinki ee dalka finland uga soconaya Jaaliyada reer Puntland ee ku dhaqan dalka Yurub.

Shirka ayaa waxaa ka soo qayb-galay 30 xubnood oo ka kala socda 10 dal oo ku yaala qaarada Yurub waxaana shirkaan looga hadlayaa sidii loo midayn lahaa jaaliyada Puntland ee dalalka Yurub si ay uga qayb-qaataan si wada jir ah howlaha horumarineed ee dalka ka socda.

Yaasiin Cali Gaas oo kamid ah gudiga qaban qaabada shirka kana mid ah masuuliyiinta jaaliyada Puntland ee Finland oo u waramay warsidaha raxanreeb ayaa sheegay in shirka muhiimadiisa ay tahay sidii loo midayn lahaa jaaliyada reer puntland ee ku dhaqan dalalka yurub.

Shirka ayaa waxaa lagu doortay Gudoomiyaha Guud ee Dalada Qurbajoogta Puntland ee Qaarada Yurub, waxaana loo doortay Maxamed Cabdulle Moosil oo ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Dalka Irland.

Doorashasan oo ay isku soo taageen xubno badan oo kala matalayay Jaaliyadaha Puntland ee Qaarada Yurub ayaa waxaa codeeyay Wakiilada Jaaliyahada Puntland ee Qaarada Yurub sida Jaaliyada Norway, Holland, Finland, Irland. Denmark iyo Ingriiska , waxaana ugu danbeyntii isugu soo haray Hanad Boqor oo ah Xoghayaha Guud ee Jaaliyada Puntland ee Finland iyo Maxamed Cabdulle Gudoomiyaha Jaaliyada Irland waxaana uu 12 cod kaga guulaystay Hanad Boqor Cabdulaahi.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com