Itoobiya: tirada dadka u ku dhacay cudurka Covid-19 oo korortay

Itoobiya: tirada dadka u ku dhacay cudurka Covid-19 oo korortay

Itoobiya ayaa shaacisay in 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay lagu sameeyay baaritaan la xiriira Cudurka Coronavirus 7,383 oo qof, balse cudurka laga helay 866 Ruux.

Dadka Cudurka lag helay ayaa waxaa ay kala joogaan qeybo badan oo kamid ah wadanka Itoobiya, waxaana Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ay sheegtay in Cuudrka ay qiyaastii ka bogsadeen 633 qof.

Sidoo kale Wasaaradda waxaa ay sheegtay in 10 Ruux oo kale ay Cuudrka u dhinteen, waxaana kiisadka Guud ahaan dalka Itoobiya laga diiwaangeliyay ee Cudurka COVID-19 ay gaareen 84, 295.

Waddanku wuxuu kaloo soo sheegay 10 qof oo u dhintay fayraska, taasoo tirada dhimashada ka dhigeysa 1,287.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka Afrika ee laga helay Cudurka COVID-19, waxaana uu deris iyo waxyaabo kale ay wadaan Soomaaliya oo sidoo kale ay Ciidamo ka joogaan.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com