Itoobiya oo Tababar Siisa Dhalinyarada Gobolka Bay

Sabti, September 26, 2015 (Daljir) —Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa tababar u furay kumanaan dhalinyaro ah oo ku biiraya Ciidamo loogu talo galay Iney la dagaalaman Kooxda Al Shabab.

Dhalinyaradan ayaa lagu tababaray Xarun Ciidan oo ku dhaw Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay waxa ayna la dagaalami doonan Xarakada Al Shabab ee dagaalka kula jirta Dowlada Soomaaliya.

” Marsii horeysay Magaalada waxa ka talin jirtay Kooxda Al Shabab oo horteyda ku dilay Aabahey iyo Walaalkeyga isla aniga ayayna igu hor kufsaden Seygeyga, taas ayaana keentay inaan tababarkan qorto oo aan ku soo biiro” ayay tiri Gabar kamid dhalinyarada la tababaray.

Itoobiya ayaa kamid ah Dalalka Soomaaliya ka caawiya Dagaalka Al Shabab lagula jiro waxa ayna ku hoos shaqeeyan Magaca Howlgalka AMISOM Ee Soomaaliya.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com