Site icon Radio Daljir

Itoobiya oo sheegtay in ay dishay hoggaamiyeyaal sarsare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dawladda Itoobiya ayaa kudhawaaqday dilka 3 kamid ah Hoggaamiyayaasha sare ee Ururka Al Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.

Jen, Tesfaye Ayaleh oo ah madaxa ciidamada difaaca iyo Isku duwanaha Howlaha KMG ah ee Taliska Nabadsugida Itoobiya ayaa kudhawaaqay.

1.Fu’ad Mahamed Khalif[Shengole] oo ahaa Madaxa abaabulka iyo Tashkiilinta kooxda Alshabaab, kamid ahaa madaxda sare ee kooxdan, Dawladda Mareykanka ayaa kuraadinaysay Xogtiisa in lakeeno Malaayiin Dollar.

2- Abdul Casiis AbuMuscab oo ahaa afhayeenka kooxda Al Shabaab ee dhinaca Howlgalada.

3- Cubeda Nuur Ciise oo ahaa masuulkii Alshabaab u qaabilsanaa Abaabulka xuduudka Itoobiya iyo gobalka Bakool.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo lagu beeniyay xogtaan ay shaacisay dowladda Itoobiya.

Exit mobile version