Itoobiya iyo Somaliand oo ka wada hadlay adkeynta Amniga xaduudaha

Itoobiya iyo Somaliand oo ka wada hadlay adkeynta Amniga xaduudaha

Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Sirdoonka dowladda Federaalka Itoobiya Janeraal Buhane Kabede iyo Saraakiil la socotay ayaa Maanta Magaalada Hargeysa kula kulmay Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taani.

labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadley xoojinta iskaashiga amni ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya iyo sidii loo ilaalin lahaa Amniga xaduudka Somaliland iyo dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Sirdoonka dowladda Federaalka Itoobiya Janeraal Buhane Kabede ayaa uga mahad celiyay Saraakiisha Ciidamada Somaliland sida ay u soo dhaweeyeen, isaga oo ballan qaaday inay xoojin doonaan wadashaqeynta Itoobiya & Somaliland.

Saraakiisha ugu sarreeysa Sirdoonka dowladda Federaalka Itoobiya ayaa dhawaan sidoo kale tegay Magalaada Beledweyne, iyaga oo kulamo looga hadlayay Amniga la qaatay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com