Itoobiya iyo Erateriya oo Dib u Furay Xuduuda u Dhexeysa (Sawiro)

Itoobiya iyo Erateriya oo Dib u Furay Xuduuda u Dhexeysa (Sawiro)

Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Asias Afawerki oo maanta ka qaybgalay Munaasabad lagu soo afjarayo colaadii 20ka sanno u dhexaysay labada Wadan ayaa si rasmi ah dib ugu furay marinka xuduudada ee dhinaca dhulka

Ra’isul Wasaaraha Ethiopia wuxuu sheegay in ciidamada ethiopia la gaynayo Xeryo ka fog xuduuda si loo hoos loogu dhigo Xaaladii mudada dheer ka taagnayd xuduuda, sidoo kalena uu filayo in dhinaca Ertieria ay talaabadaas oo kale ay qaadi doonaan

Talaabadan oo dib loogu fuaray xuduudaha labada dale e dhanka dhulka ah ayaa waddada u xaaraysa in ay dib u midoobaan kumannaan qoys labada dhinac ku kala xayirmay.M

Marinka Dib u loo furay ayaa ku yaal waddada gobolka Zalambesa ee Waqooyiga dalka Itoobiya, waxaana uu ka dambeeyay kadib heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda ee ay bishii Luulyo kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eritrea, arrintaas oo soo noolaysay xiriirkii dublamaasi ee labada dal oo mar cadaw isu ahaa muddo 20 sanno ah.

Dhinaca kale, Dowladda Ethiopia iyo Eriteria waxay ku heshiiyeen in dib loo isticmaalo Dekedaha Wadanka eriteria iyadoo dhawaan si rasmi loo bilaabi doono maraakiibta shixnadaha u sida wadanka Ethiopia oo bad lahay. Ethiopia waxay hore u adeegsan jirtay dekeda Jabuuti.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com