Issimadii dhex-dhexaadinta xurgufihii Galkacyo oo soo saaray qoraal-heshiiseed ka kooban 10 qodob.

Galkacyo Sept 25 – Guddiga issimada ee dhex-dhexaadinta dhibaatadii colaadeed ee dhawaan ka dhacday magaalada Galkacyo ayaa maanta soo saaray go’aamo heshiis oo hordhac ah oo seeyana hawlihii nabadeed ee ay muddada wadeen.

Issimada oo muddo dheer ku jiray dhiraan-dhirinta xal-u-helidda mushkiladdii colaadeedkaasi oo ahayd mid dhiig badani ku daatay ayaa maanta shir-saxaafadeed ay ku qabteen magaalada Galkacyo kaasoo ay ku soo bandhigay qodobada heshiiska oo ka koobnaa 10 qodob.

Nuxurka qodobada issimada dhex-dhexaadintu ay maanta Galkacyo ka soo saareen oo u qornaa hab-faahfaahsan, ayaa muujinayey baaritaanno iyo dabagallo- xog-raadineed oo issimadu wakhti badan galiyeen in ay ku ogaadeen xaqiiqooyin badan oo xal u noqon karo in laga gun-gaaro murankii iyo is-maandhaafkii ka dhacay Garsoor.

Issimadu waxay qoraalkooda ku muujiyeen beesha Leelkase in aysan ahayn Al-shabaab, aysanna jirin wararka iyo tuhumada muddada soo jiitamayey, iyagoo qoraalkooda ku tilmaamay beeshu in ay gundhig u tahay beelihii samaystay dawladda Puntland.

Issimadu waxay kaloo qoraalkooda ku sheegeen dhacdadii dagaal ee Galkacyo ka dhacday labadii maalmood ee isku xigtay in ay ahayd mid si lama filaan ah ku timid kaddib markii ciidanka amnigu isku dayeen in ay soo qabteen nin la tuhunsanaa, kaddina ay u soo gurmadeen meellayshiyaad isla beeshiisa ka mid ahaa, taasoo keentay iska-hor-imaadka, mana hayn wax lagu tashaday dawladda iyo dadweynuhuna ay raalli ka haayeen sida qoraalkaasi lagu tilmaamay.

Issimada dhex-dhexaadintu waxay kaloo qodobadooda maanta ku sheegeen xaafadda Gorsoor in aysan ahayn mid qabiil gaar ah deggan yahay, iyagoo sheegay dhammaan beelaha gobolka ee ku abtirsada Puntland in ay wad deggan yihiin, muddo saddex bilood ahna dawladdu aysan tagin Garsoor sababo jira darteed, waxaana ay xuseen taasi in ay sahashay dad-laysyadu in ay ku dhuuntaan Garsoor.

Qodobada kale ee isla heshiiskaasi uu muujinayey waxaa ka mid ahaa in dhammaan ciidamada melleyshiyaadka ah ee ku sugan xaafadda Garsoor lagu celiyo meelihii ay ka yimaadeen, taas baddalkeedana ciidanka dawladdu tagaan fariismadii ay horay ugu lahaan jireen Garsoor si rasmi ahna uga hawlgalaan.

Qoraalka issimadu mar uu ka hadlayey dhinaca caddaaladda iyo maamulka waxaa uu ku taliyey in si siman loo wadaago hab-maamuleedka gobolka, la iskuna dhaqo caddaalad iyo sinnaan, gaar ahaan marka laga hadlayo dhinaca Garsoorka iyo sharciyada.

Ugu dambantiina issimadu waxay guddoonsheen in xalay-dhalay laga dhacdo dhammaan dhacdooyinkii dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed lahaa, aysanna yeelan wax-ka-soo qaad, iyadoo dhinaca kalena loo ballamay dhammaystirka iyo dhaqan-galinta qodobadaan in la iskugu tago magaalada Garowe.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com