?Issimada Puntland shirka kama bixin, wayna wataan howlihii loogu tala galay?Wasiiru dowlaha dastuurka iyo faderaalka dowladda KMG Soomaliya.

Muqdisho, May 16- Dowladda faderaalka KMG ee Soomaaliya ayaa beenisay in issimada Puntland ee ka qaybgalayay shirka odayaasha beelaha uga socda magaalada Muqdisho ay kasoo baxeen shirka, isagoona sheegay inaanay jirin issimo shirka kabaxay.

Wasiiru dowlaha dastuurka iyo faderaalka dowladda KMG ah ee Soomaaliya Xasan Maxamed Jimcaalle oo waraysi siiyay Radiyo Daljir ayaa tilmaamay xubnihii shalay kasoo dhoofay magaalada Muqdiso ee Garoowe dib ugu laabtay inay ahaayeen xubno kasocday madaxtooyada Puntland oo howlo shaqo u joogay magaalada Muqdisho,inta badan issimadii Puntland uga qaybgalaysay shirka ay weli ku suganyihiin Muqdisho.

Waxaa uu tilmaamay xubnaha uu ku sifeeyey inay madaxtooyada Puntland kasocdeen inay caawinayeen ergadadii ansixinta dastuurka ee matalaysay issimada Puntland kuwaasi oo uu sheegay inay soo gabagabeeyeen howlihii shaqo oo ay ku joogeen magaalada Muqdisho, balse ay jirto laba issim oo arimo la tashi darted ugu dhoofay Garoowe, ayna rajaynayaan inay dib usoo laabtaan.

Mar Radiyo Daljir uu wax ka weydiiyay dhaliisha Puntland ay usoo jeedisay qaar ka mid ah qodobada ku jira qabyo qoraalka dastuurka ayaa waxaa uu tilmaamay wasiiru dowlaha dastuurka Xasan Maxamed Jimcaalle dhaliisha Puntland inay tahay arin salka ku haynin diidmo, arinta dhaliishuna ay tahay mid ay ku gudbayaan , waxaana uu rajeeyay gudiga qabyo qoraalka dastuurka inay dhaliishaa wax ka qabtaan.

Shalay ayay ahayd markii wefti issimo ah oo Puntland uga qaybgalayay shirka odayaasha ee Muqdisho ka socda ay dib ugu soo laabteen magaalada Garoowe, waxaana issimada Puntland ee Garoowe soo gaaray ay ku micneeyeen dib usoo labaashadooda inay ugu weyn tahay howlihii dastuurka oo ay Muqdisho u tageen oo weli aan la dhamaystirin.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bosaso. http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com