Isreebreebka NBA-da: Warriors fkf Spurs & Cleveland fkf “ma Sugna”?

Isreebreebka NBA-da: Warriors fkf Spurs & Cleveland fkf “ma Sugna”?

Horyaalka NBA-da waxaa isu soo haray 4 kooxood oo 3 kamid ah bannaaka fadhiyaan.

Dhanka Bariga Maraykanka, waa Boston Celtics iyo Washinton Wizards oo weli is rifaya, cayaarayna cayaaro feer, haraati, xeelad, iyo khayaano aan ka marnayn, waxayna isla gaareen cayaarta 7aad oo ah kama danbays iyo ciddii raysa oo soo baxda.

Hadaba waxaa habeen danbe iyo cayaartii 7aad (GAME SEVEN) ee kama danbaysta ahayd ciyaari doona Boston Celtics fkf Washinton Wizards. Filo cayaar aad u xiisa badan oo aan waxba la isku hari doonin.

Waxaa lagu ciyaari doonaa Boston, kooxdii soo baxdana waxaa fagaaraha u fadhiya LeBron James iyo Cleveland Cavaliers.

Dhanka Galbeedka iyo kooxaha dhul qorrexeedka Taxes iyo Hollywood waxaa isku soo haray Golden State Warriors iyo San Antonio Spurs. Hadalhayntuna waa Golden State Warriors iyo laacibkooda Stephen Curry oo hadda 1-0 ku huggaaminaya San Antonio Spurs, ahna koox laacibiin, khibrad iyo dulqaad u dhanyahay.

 

  

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com