Israa’iil oo sheegatay inay duqaysay saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin Iiraan

Israa’iil oo sheegatay inay duqaysay saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin Iiraan

Militariga Islaa’iil ayaa sheegtay inay weeraro ku qaadeen saldhigyo ciidamada Iiraan ay ku leeyihiin wadanka Suuriya.

Ciidamada Difaaca Israa’iil ee IDF ayaa sheegay howlgaladan inay ku beegsadeen xooggaga Quds oo katirsan ciidamada kacaanka ee Iiraan, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo ay militarigu ka bixiyeen, balse warar laga helayo caasimadda Suuriay ee Dimishiq ayaa sheegaya in subaxnimadii hore Isniinta duqaynta ay dhacday.

Warbaahinta Suuriya ayaa dhankooda sheegtay in la qabtay gantaalo Israa’iil ay kasoo riday buuraha Golan Heights

Barta Twitterka ee IDF ayaa lagu yiri “Waxaa aynu bilownay weeraro xagga cirka ah oo aynu ku beegsanayno bartilmaameedyada Quds ee Suuriya, waxaana uga digaynaa ciidamada Suuriya isku day kasta oo ay ku wax yeelaynayaan dhulka Israa’iil iyo ciidamdeeda”

 

Warbaahinta dowladda Suuriya ee Sana oo soo xiganaysa ilo katirsan militariga ayaa sheegtay ciidamada difaaca inay soo rideen inta ugu badan gantaalada cadowga.

 

Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Saldhigiisu yahay wadanka Suuriya ee SOHR ayaa lagu sheegay militariga Israa’iil inay beegsadeen saldhigyo militari iyo xarumo hubka lagu kaydiyo oo ay leeyihiin ciidmaada Iiraan iyo dhaqdhaqaaqa Xisbullah oo ay taageerto.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com