israaiil oo dishay hogaamiyihii kooxda jihaadiga ah ee Qaza

israaiil oo dishay hogaamiyihii kooxda jihaadiga ah ee Qaza

Dowladda Israaiil ayaa xaqiijisay in ay dishay hogaamiye Baha’a Abuu cataa oo ka mid ahaa madaxda sare ee dhaqdhaqaaqa jihaadiga ah ee Qaza.

Baha’a Abuu Cataa ayaa masuul ka ahaa badi weeraradii kala duwanaa ee ugu dambeeyey ee ka dhaca Gaza kaas oo lala beegsanayey Israaiiliyiinta, sida ay sheegtay xukuumada Telabiib.

Ka dib weerarkaasi ciidamada Israaiil ayaa xiray wadooyinka Gaza, sidoo kale waxay xadideen isu socda ka dadka. Iyagoo sheegay in ay isu diyaarinayaan howlgalo weerar iyo difaacba leh.

Dhinaca kale ilo wareed-yo ka tirsan dhinaca Falastiin ayaa xaqiijiyey in Baha’a Abuu Cataa uu ku dhintay weeraaro ay yuhuudu fuliyeen saaka aroornimadii.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com