Ismaaciil Qodax: “U yeeridda maanta Addis looga yeeray Soomaalida waa siyaasad ah sidii Soomaaliga loo isticmaali lahaa …” (dhegayso)

Aqoonyahan Ismaaciil Gorse Qodax  oo haysta shahaadada PHD-da, aqoon sarena u leh Geeska Afrika, siiba siyaasadda Itoobiya iyo siyaasadaha is-hardinaya ee qoowmiyadaha dalka Itoobiya ayaan wax ka weydiinay siyaasadda cusub ee Itoobiya iyo waxa kallifaya in Abiy Axmed oo maanta xal u la’ dagaalka qarsoon ee ka socda Addis Ababa, badanaana u dhexeeya qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada, u waqti badan maanta u huro arrimaha Soomaalida iyo Soomaaliya.

Ismaaciil ayaa faahfaahinaya waxa Soomaalida lala damacsanyahay iyo sida hadba qoowmiyadda xukunka Itoobiya haysaa ay u isticmaasho Soomaalida si ay u hormariyaan dantooda gaar iyo tooda dowladnimo, ayada oo mar kasta qorshuhu yahay sidii loo wiiqi lahaa dadnimada iyo midnimada Soomaalida.

Waxaa kale oo aan eegi doonnaa qunsuliyadda cusub ee maanta laga furay magaalada Minneapolis iyo sababta loo furayo, iyo sida si gooni ah loogu beegsanayo dadka Soomaalida iyo kala qaybin horleh.

Hoos kaga bogo.


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com