Islaan Ciise “Wax dhacayba xalay-dhalay aannu ka ahaano” iyo Farmaajo oo waanada Islaanka aqbalay (dhegayso)

Islaan Ciise “Wax dhacayba xalay-dhalay aannu ka ahaano” iyo Farmaajo oo waanada Islaanka aqbalay (dhegayso)

Waanooyiinku waa ay kala horreeyeen wayna kala qiimo iyo qaayo weynaayeen.

Waanooyinka iyo talooyinku waxay la biloowdeen xafladdii caleemasaarka Madaxweyne Deni. Waxay ahaayeen waanooyin walaalnimo. Waxay ahaayeen waanooyiin waddaninimo. Waxay daarnaayeen mideynta siyaasiyiinta kalamaanka ah ee Soomaaliya, intooda “xilkaska” ah si loo helo Soomaaliya mideysan iyo Soomaali fayoow.

Badankood waanooyinku waxa ay ahaayeen kuwo ku wajahan Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa hadalka toos u abbaaray Islaan Ciise Islaan Maxamed, asaga oo ku bilaabaya, “dadweynaha Soomaaliya caawa anaa wakiil u ah, anaana u hadlaya.”

Wakiilasho kabacdi Islaan Ciise wuxuu abbaaray dulucda asaga oo wakiilashada bayaaminayana wuxuu ku xijiyey “waxaan rabaa Soomaalinimo weeye … qolyihiina siyaasadda oo wakiilka noo ah … wixii aan idiin igmanay oo idiin dooranay, oo noogu dhaarateen baanu idin ka dooneynaa.”

Nin walbaa dheg buu taagay. Siyaasi walbaa dhabarkuu la soo kacay. Maxaa ku xigana waa la wada sugay.

Maahmaahdii “Geelna waa galgashaa ragna waa isgaddiyaa” baa Islaan Ciise soo xigtay, asaga oo aan dhab-ka-hadalka marna ka hakana waxa uu ku daray “caawa gar baan ku galayaa meeshaan, anaana guddoominaya.”

Haddii awal hal dheg kaliya la taagay, sharqan oo dhan hadda waa la waayey codka Islaan Ciise mooyee. Siyaasi walba iyo qof kasta oo caleemasaarka fadhiyey, mid af Soomaali yaqaan iyo mid aan aqoonba laakiin la yaabay sharqan la’aanta madasha iyo waxa meesha ka dhacay wuxuu hadda taagay labadii dhagoodba, labada gacmoodna midba midda kale ayey raadisay, ayaga oo aan iska warqabin.

Islaan Ciise waa uu sii watay waxa uuna ku gunaanaday, “garta aan caawa halkaan ku galayaa waxay tahay … inteena caawa madasha joogta salaaddii waxaynu meeshaa kaga tegaynaa ama caawa kaga dheelmaneynaa wax dhacayba xalay-dhalay aannu ka ahaano.”

Saa neef baa qof walba ka soo boodday oo midba kan la fadhiyey fiiriyey. Waxay isweydiiyeen bay u ekeyd “ma ila maqashay waxa aan maqlay?”

Khudbaddii Islaan Ciise Islaan Maxamed hoos kaga bogo:

 

Markii siyaasi walbaa uu kan kale fiirshay kabacdi haddana welwel baa biloowday iyo “Madaxweyne Farmaajo muxuu dhihi doonaa?”

Wax la sugaba Madaxweyne Farmaajo waa soo istaagay. Hadalka haba calaliyee hadal ma dhaafin, mana uusan moogeyn in kalmad kasta oo uu caawa yiraahdo kun iyo kow jeer la fasiri doono.

Salaan iyo mahadnaq kabacdi, Madaxweyne Farmaajo oo og sida hadalkiisa loo sugayo, gadaalna ka dhoolacaddeynaya waxa uu yiri, “Puntland guul bay gaartay, laakiin waxa ay guusha ku gaartay lama sheegin. Waxaa la yiri dowlad wanaag … waa dhab … laakiin dowladda Puntland yaa keenay? Dowladdaan quruxda badan waxay ku timid shaqo badan iyo hawl badan oo salaadiinteedu ay qabteen.”

Saa hadana qof walba neef baa ka soo boodday. Oo haddana sacab baa madashii isqabsaday, sidii in qof walbaa akhriyey maanka Madaxweyne Farmaajo, ayadoo laga abbaarayo cabbirka hadalkiisa danbe.

Hadal yaynaan idin ku daalin e, Madaxweyne Farmaajo waxa uu yiri, “anigu hadalkayga waxaan ku soo koobayaa Islaan Ciise hadalkiisa oo ahaa in laga noqdo xalay-dhalay wax alle wixii la soo maray. Anaa ugu horreeya waxaan leeyahay waan idin cafiyey, idinkana waxaan rabaa in aad i cafisaan. Waxaana ballanqaadayaa in aan idin la shaqeeyo haddaad tihiin dowlad goboleedyo iyo haddaad tihiin dowladda dhexdeeda, baarlamaanka dhexdiisa.”

Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo hoos kaga bogo:

 

Qiimeyntu waa maalin kale, laakiin 26 Janaayo 2019, waa maalin mug iyo miisaan ku leh taariikhda Soomaaliya, mudanna in la xasuusto.

Diiwaanka Daljir

Radio Daljir

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com