Site icon Radio Daljir

Iska-horimaad ka dhashay dhul la isku qabsaday ee deegaanka Gambayax, Nugaal oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Garowe, Aug 20 – inta la hubo 4 qof ayaa dhimatay 6 kalena waa dhaawac kaddib markii galabta iska-hor-imaadka hubaysani uu ka dhacay deegaanka Gambayax oo ka tirsan gobolka Nugaal, dhinaca waqooyi-na uga beegan magaalada Garoowe.

iska-hor-imaadka sababay khasaaraha dhimasho iyo mid dhaawac ayaa u dhexeeyey beelo ood-wadaag ah oo wada deggan deegaanno ka tirsan gobolka Nugaal gaar ahaan dhulka la isku-farsaaray iyo nawaaxigiisa.

Muranka iyo is-maandhaafka rabshadda dhaliyey ayaa ka unkamay dhul-bannaan oo labada beelood midi ay damacday in ay ka samayso deegaan magaalo noqda, halka beesha kalena ay diiday samaynta deegaankaasi cusub taasoo dhalisay isku-dhaca galabta.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay iska-hor-imaadkaasi galabta ayaa la soo gaarsiiyey isbitaalka magaalada Garoowe iyadoo hal qof oo ka mid ahaa dadkii dhawacmay uu ku dhintay isbitaalka.

Ma jirto cid illaa iyo haatan kala dhex-gashay labadaasi ardaa ee xurguftu u dhexayso, inkastoo dawladda Puntland ay ku hawlan tahay haatan qorshe wax looga qabanayo isku-dhaca labadaasi ehelo.

Muranka u dhexeeyey labadaasi ardaa ayaa todobaadadii ugu dambeeyey sii xoogaysanayey iyadoo la dareemayey sansaan colaadeed oo ka aloosnayd deegaanka hadda lagu diriray ee Gambayax.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

Exit mobile version