Isimadda Puntland oo Warmurtiyeed Kaso Saaray ismaandhafka Dekadda Boosaaso (dhegayso+Sawiro)

Isimadda Puntland oo Warmurtiyeed Kaso Saaray ismaandhafka Dekadda Boosaaso (dhegayso+Sawiro)

Isimadda dhaqanka ee Puntland ayaa maanta go,aan ka soo saaray murankii kataagnaa Dekadda Bosaaso ee udhaxeeyay ganacsatada iyo maamulka dekeda,

Waxaana kulanka goobjeeg ka ahaa Maamulka dekeda Bosaaso, Maamulka Gobolka kan degmadda , Isimada , Nabadoonada , Ganacsatada iyo Bulshada rayidka ah.

kulankii maalmahan usocday isimada ayaa waxa ay ka soo saareen war murtiyeed ka koobnaa ilaa 4 qodob oo quseyay Arimaha dekeda Bosaaso iyo muranka udhaxeeyay ganacsatada iyo Maamulka.

Qodobadda Lasoo saaray Maanta Waxay Ahayeen.

1 In laga wada shaqeeyo nabadgelyada, xasiloonida iyo kala damaynta islamarkaana laga fogaado wixii keenaya khilaaf.

2 In la taageero mashriicda horumarineed wadanku u baahan yahay.

3 In dowladu soo bandhigto kana qanciso qaybaha bulshada heshiiska ballaarinta dekeda Bosaso.

4 In lagu dhaqmo tariifada isimmadu soo saareen ee ku meelgaar ah sida ku cad lifaaqa.

Wariye Xasan Heykal Ayaa Warbixintan Boosaaso kaso diray

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com