Isimada gobolka shabeelaha Hoose Oo Dowladda iyo dhinacyadii dagaalamay ugu baaqay dagaal joojin

Marka, July 26, 2013 – Xili dhowrkii maalmood ee ina dhaafay ay xiisad coolaad ka aloosnayd gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan degmada Marka, ayaa waxaa haatan soo baxaya baaqyo kala duwan oo ka imanaya waxgaradka gobolkaas. kadib shirar lagu qabtay caasimada dalka.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay kulan balaaran oo ay ka qeyb ahaayeen salaadiinta gobolkaas, waxaana shirkaasi laga soo saaray baaq ku salaysan nabbad iyo xasilooni oo loogu jeediyey dhinacyada xiisadu ka dhexeyso.

Nabadoon Cumar Abshir oo ka mid ah waxgaradka gobolkaas ayaa shirka kadib wuxuu sheegay in deegaanka ay ka jirto xiisad aad u baaxad weyn, taas oo u dhexaysa dhinacyo isku haya deegaanka Marka, waxaana uu ku tilmaamay wax aan indhaha laga laaban karin.

? Waxaan aad uga xunahay dagaalada haatan ka soo cusboonaaday gobolka shabeelaha Hoose, dhinacayaga waxaan diyaar u nahay in wax laga qabto xaalada halkaasi ka jirta? ayuu yiri Naboon Abshir.

Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu ku eedeyey in ay ka aamustay, ka hadalka xiisada halkaasi ka jirta iyo wax ka qabashadeeda, isagoo sheegay in taasina ay tahay mid aan u cuntamin shacabka Soomaalida iyo kuwa gobolkaas intaba.

Baaqyada nabadeed ayaa yimi kadib markii Gelinkii hore ee shalayto dagaal u dhexeeya labba beelood uu halkaasi ka qarxay, waxaana dagaalka ugu culus ka dhacay deegaanka Ceel-madoobe oo ku dhow magaalada Marka, Salaadiinta gobolka waxay ugu baaqeen in Dowladdu howshaas wax ka qabato.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com