Isimada gobolka Cayn oo ku baaqay in la siidaayey gaadiid afduub loogu haysto Buuhoodle ( Dhegayso)

Buuhoodle, Jan 12, Garaad Saleebaan Buuraale Aadan oo kamid ah Isimada gobolka Cayn oo la hadlay Radio Daljir ayaa baaq u jeediyey dad gacanta ku haya gaadiid nooca xamuulka ah oo lagu haysto magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

?
Wuxuu sheegay inay jiraan tabashooyin ay qabaan dadka haysta gaadiidkaasi hase ahaatee aan loo baahnayn in dhaca baabuurta lagu xaliyo tabashooyinkaasi.
?
“Waxaa soo kordhay inaynu dib ugu noqonay 91,92. iyo 93 kii oo aynu bilowno dhaca Baabuurta, hanti dadweyne oo dad islaam ahi lee yahay kuwaasoo inta badan aynaan waxba ku lahayn,” ayuu yiri Garaad Saleebaan Buraale Aadan.
?
” Waa jiraan sababo kalifey cida wax dhacaysa lkn xalku maaha in wax la dhaco oo keliya, waxaan aad ugu baraarujinayaa dadka gobolka Cayn in laga tanaasulo dhaca gaadiidka wadooyinka maraya,” ayuu hadalkiisa raaciyey Garaad Saleebaan Buraale Aadan.
?
Magaalada Buuhoodle ayaa xiligan waxaa kusugan ilaa 4 baabuur oo ah nooca xamuulka qaada kuwaasoo laga soo qafaashay deegaano katirsan gobolka Cayn iyo kuwo ka baxsan, dadka afduubka u haysta ?baabuurtan ayaa sheegay inay u haystaan hanti iyo dad kaga maqan eheladda dadka baabuurtan leh.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
( B)?

Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com