ISIL oo u Digtay Dalalka Ree Galbeedka iyo khasaarihii Dilalkii Paris oo Kordhay

Somalia, November 15, 2015 (Daljir) —Inta la ogyahay 129-ruux ayaa ku geeriyooday, iyadoo ay ku dhaawacmeen 180-qof oo kale qaraxyo ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliiska dalka Faransiiska oo warbaahinta kula hadlay maanta magaalada Paris.
 
Booliiska dalka Faransiiska ayaa hadalkooda ku daray in baasaboorka Suuriya laga helay dibadda garoonka Stade de France, halkaasoo ka mid ah goobihii lala beegsaday qaraxyada khasaaraha faraha badan geystay. 
 
Hadaba Kooxda ISIL ayaa sheegtay in weerarro hor leh ay ka gaysan doonaan gudaha Faransiiska iyo waliba qaar kamid ah dowladaha Duqeeya xarumaha ISIL ee Bariga Dhexe,xilli madaxda adduunka ay si adag uga hadleen dilalkii Paris.
 
 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com