Isha Mari Qodobadii Ugu Muhiimsanaa ee Laysku Shirkii Soomaalida ee Lodon.

Magaalda London waxaa lagu soo gabagabeeyay goor dhoweyd shirkarrimaha Soomaaliya oo ay marti gelisay dowladda Britain.

Shirka waxaa lagu soo gabagabeeyay shir Jaraa’id oo ay wada qabteen shirguddoonka Wasiirka Arrimaha dibadda UK, madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha guud ee Q/Midoobay.

Madaxda ka qeybgashay shirka ayaa si weyn uga hadashay xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa inay si buuxda ula wareegto masu’uuliyadda ammaankeeda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay alkumidda barnaamij ay Soomaalida hormuud u tahay oo lagu tababarayo ciidammada qaranka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Britain, Theresa May ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay iskaashi dhaw oo ku aadan qaabka loo wajahayo dhismaha ciidan qaran oo ay Soomalaiya leedahay.

Waxay sheegtay in ciidamada AMISOM aysan maareyn karin sugidda amaanka ee Soomaaliya, loona baahanyahay in si deg deg ah loo dhiso ciidammada Soomaaliya oo weliba laga qeyb geliyo kuwa maamulada haatan jira laguna salaynayo qaabka federaalka.

” Heshiiska dhinaca amaanka ee aan halkan ku soo bandhigayno waxa lagu salayn doonaa heshiiskii taarikhiga ahaa ee ay dhowaan gaareen dowlada Federaalka iyo maamulada ka jira dalka oo ka heshiisyey tirada ciidanka, halka ay ka hawlgeli doonaan, maalgelintooda iyo cidda hagaysa” ayay tiri, ra’iisal wasaaraha Britain.

Waxaa sidoo kale kulankan ka qeybgalay madaxda dalalka ku tabarucay howlgalka AMISOM. Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay in 400 oo askari oo dheeraad ah lagu daro ciidammada AMSIOM oo gaaraya hadda 222,000. Waxa uu sheegay in AMISOM aysna ka bixi karin Soomaaliya ilaa iyo inta si buuxda loo dhisamyo ciidammada qaran oo ay Soomaalid leedahay.

Dadaalada kala duwan ee ku aadan dhismaha ciidan qaran

  • Britain ayaa dhawaan magaalada Baybdho ka billaabi doonto barnaamij ay ku tababareyso ciidammada qaranka Soomaaliya.
  • Isku Taga Imaaraadka ayaa lagu wadaa inuu isna dhiso xarun casri ah oo lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya,
  • Maraykanka wuxuu tababarayaa oo uu qalabaynayaa ciidmada Danab,
  • Turkiga ayaa isagana wada tababarro la siinayo sarakiisha ciidanka Soomaaliya.

Kenyatta ayaa ku baaqay in la kordhiyo ciidammada AMISOM

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si buuxda cunaqabataynta hubka looga qaado Soomaaliya.

”Cunaqabteyta hubka ee sanadooyinka badan saaran soomaaliya, waxay caqabada ku noqotay oo ay aad u xayirtay awoodda aan u leenahay in aan soo iibsano hub culus, inkastoo ay jiraty in si qeyb ahaan cunaqabateyntaas la qaaday 2013-kii” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowladdiisu ay la shaqeyn doonto golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sidii cunaqabatayntaasi gebi ahaanba meesha looga saari lahaa.

Abaaraha

Xoghaya guud ee Q/Midoobay  ayaa codsaday lacag gaareysa 900 Milyan oo doolar oo wax looga qabto abaaraha Soomaaliya ka jira si looga hortago in macaluul dadku u dhintaan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

2 responses to “Isha Mari Qodobadii Ugu Muhiimsanaa ee Laysku Shirkii Soomaalida ee Lodon.”

  1. Man Zaki Adam

    Radio Dajir waa warbaahin Madax banan shacab keeda usotabisa Arimaha siyaasadda

    shirka ka dhacay London Hadaan fikir kayga ka dhiibto waxaan dhihillaha shirar noocano kalle hada kahor waa lagu qabtay waxa kaso baxaya shirka maysan hir gallin kanna somalia waxan ugu baqaya Madaxdeene midaysan hada Meesha aaden wax ka keenna ma aham iska taag hanna. lahir galiyo qodobadda ka soo baxay shirka

  2. Shirwac Abdisamad

    Asc bahda Daljir run Ahaantii qodobada kasoo baxay shirka London wan sooo dhaweenayaa balse madaxda soomalida waxaan ugula talin lahaaa in wax walboo lagu heshiiyo in laga dhabeeyo Qodabada shirkaasna uusan noqon Qoraal warqad lagu qoro misana bada lagu shubo Somalia iyo nolal
    0907412301

U Jawaab Shirwac Abdisamad Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com