Isgooyska Soobe oo lagu xasuusan doono dadkii ku shahiiday weerarkii 14ka Oktoobar

Isgooyska Soobe oo lagu xasuusan doono dadkii ku shahiiday weerarkii 14ka Oktoobar

Gudoomiyaha Gobolka Banaair ahna Duqa Muqisho Thaabit Cabi Maxamed ayaa ku dhawaaqay in la badalay maga isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho loona bixiyay 14ka Oktoobar, si loogu xasuusto dadkii radyika ahaa ee ku shahiiday weerarkaasi oo ahaa kii ugu waynaa ee kadhaca Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaana sidoo kalle sheegay in dib loo furayo halkii qaraxu uu kadhacay, waxaana uu ku sheegay sababta uu u xiranyahay inuu yahay badbaadinta hanti halkaasi u taala dad shacab ah iyo dib usoo celinta bilicka isgooyska 14 Oktoobar.

Weerarkii Soobe ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaraya ku dhowaad sadex boqol, halka boqolaal kalena ay u jiifaan dhaawacyadii kasoo gaaray weerarkan oo wali haysta maanka umadda Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com