Isbitaalka Galkacyo oo maanta lagu wareejiyey dawo iyo qalab caafimaad oo ka yimid dawladda Talyaaniga.

Galkacyo Oct 02 – Isbtitaalka guud ee magaalada Galkacyo ayaa maanta lagu wareejiyey deeq dawo iyo qalab caafimaad iskugu jirta taasoo ka timid dawladda Talyaaniga, tiro ahaanna aad u badnayd.

Deeqda dawa iyo qalabka iskugu jirta ee maanta lagu wareejiyey isbitaalka magaalada Galkacyo ayaa ah mid ku cusub deegaannada Soomaalida kuwaasi oo ay ugu muhiimsanaayeen qalabka loo adeegsado baaritaannada cudurrada.

Agabka maanta lagu wareejiyey isbitaalka oo dhammaa hal kunteendhar oo xiran ayaa waxaa ku deeqday hay’ad Talyaani ah oo fadhigeedu yahay magaalada Rome, taasoo deeqdaan oo ahayd labo konteendhar ugu talo-gashay Soomaaliya gaar ahaanna isbitaallada Galkacyo iyo martiini oo Muqdisho ku yaalla.

Labadaan Kunteendhar ee qalabka iyo dawada iskugu jira ayaa la keenay Puntland, waxaana dawladda Puntland lagu sharfay in ay ku wareejiso Muqdisho gaar ahaanna isbitaalka Martiini.

Xafadda deeqdaan lagula kala wareegayey oo ka dhacay isbtitaalka guud ee Galkacyo, waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka uuna ka mid ahaa guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ‘Tigay’ maamulka isbitaalka iyo dhakhaatiir caafimaad.

Diiwaank Wararka
Radio Daljir. http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com