Isbadalo lagu sameeyey safaaradda Soomaaliya ee Suudaan (sawiro)

Munaasabadan uu xilka Kula Wareegayay Siihayaha Cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane Cusman Axmed Maxamed ayaa ka dhacday Gudaha Safaaradda Soomaaliya waxaana ka qeyb galay Munaasabada Diblumaasiyiinta Safaaradda, Jaaliyadda, Aqoonyahano, Ganacsato iyo qaar ka mid ah Salaadiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Suudaan.

Ugu horeyn waxaa sharaxaad kooban ka bixiyay qaabka ay u shaqeyso Safaaradda Siihayihii hore Axmed Ibraahim (Buurfuule) isagoo sidoo kale ku soo wareejiyay Siihayaha Cusub ee Safaaradda ahna Lataliyaha koowaad ee Safaaradda mudane Cusmaan Axmed Maxamed dhamaan Xafiisyada ay ka koobantahay Safaaradda iyo shaqooyinka lagu qabto intaba.

Intaa ka dib labada masuul ayaa kala saxiixday Xilwareejinta iyadoona sido kale Siihaye Cusmaan Axmed Maxamed goobta lagu wareejiyay dhamaan Gawaaridii iyo agabkii ay ku shaqeyneysay Safaaradda.

Sidoo kale Ganacsatadii iyo Madaxdii Jaaliyadda ee ka soo qeyb gashay Munaasabada Xilwareejinta ayaa soo dhaweeyay Siihayaha cusub, waxeyna ballan qaadeen in si wanaagsan oo qalbi furnaan ah ay ula shaqayn doonaan.

Dhanka kale Axmed Ibraahim (Buurfuule) Siihayahii hore ee Safaaradda oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay intii uu xilka hayey ay wax badan u qabsoomeen isagoo Mahadcelin balaaran u jeediyay dhamaan reer Suudaan mudadii koobneed sida quruxda badan ay ula shaqeeyeen.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com