Ingiriiska oo Soomaaliya ka saaraya dalalka ku jira liiska cas

Ingiriiska oo Soomaaliya ka saaraya dalalka ku jira liiska cas

UK ayaa xaqiijisay in laga billaabo Isniinta soo socota, 47 waddan la laga saari doono liiska cas, taas oo u sahlaysa dad badan inay u safraan dibadda si ay u aaddan dalalka ay doonayaan.

Dalalka laga saaray liiska cas, waxaa qeyb ka ah Soomaaliya, taasoo la micno ah in rakaabka ku soo laabanaya England ee ka tagaya Soomaaliya aan looga baahan doonin inay galaan xaalad karantiil.
Go’aanka ku saabsan dalalka laga saarayo liiska cas ee England ayaa la qaatay kadib kulan ay yeesheen wasiirrada xukuumadda Khamiistii shalay.

Dadka sida buuxda isu tallaalay ee soo galaya England, waxaa go’aankaan uu sheegayaa in laga dhaafi doono in ay maraan karantiil.

Dowladda UK waxay sheegtay horumarka laga gaaray tallaalka Covid-19, in ay ka dhigan tahay in dawladdu si kalsooni leh u yareyn karto baaxadda halista ugu badan ee safmarka Coronavirus.

UK, waxay sheegtay go’aankaan inuu qeyb ka yahay tallaabooyin lagu soo celinayo kalsoonida dadka safarka ah, oo ay sheegtay in ay fure u yihiin dib -u -dhiska dhaqaalaha iyo soo kabashada dalkaas.

Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aankaan, waxayna sheegtay in tani noqon doonto war lagu soo dhoweynayo iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Boqortooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com