Ingiriiska oo Saldhig Militari ka dhisanaya Somaliland

Ingiriiska oo Saldhig Militari ka dhisanaya Somaliland

Dowladda Ingiriiska ayaa qorshaynaysa inay saldhig militari ay ka dhisato Somaliland, kadib booqashadii wasiirka gaashaandhigga ee Ingiriiska Gavin Williamson uu ku tagay magaalada Hargaysa oo uu kula kulmay madaxwaynaha maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka ayaa sheegay in Britain ay saldhig ka samaysan doonto magaalada Hargaysa, waxaana uu horay u sheegay marka Britain ay ka baxdo Midowga Yurub ay saldhig cusub ay ka hirgalin doonto meelo badan oo caalamka ka mid ah.

Imaaraatka Carabta ayaa horay saldhig militari uga bilaabay dhismihiisa magaalada Berbera, halka Ruushkana uu sheegay inuu saldhigyo ka samaysanayo magaalada Saylac si’ uu ula socdo dhaqdhaqaaqayada maraakiibta kalle ee duwan ee caalamka.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com