Site icon Radio Daljir

Ingiriiska oo masuuliyiinta Koonfur Galbeed kala hadlay doorashada gobolkaasi

Masuuliyiin kasocda dowladda Ingiriiska oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ay la kulmeen masuuliyiin katirsan Koonfur Galbeed, iyadoona si heer sare loo soo dhoweeyey.

Kusimaha madaxwaynaha ahna wasiirka amniga ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay masuuliyiintan inay kala hadleen arrimaha doorashada soo socda ee maamulka, isagoona sheegay in la isku afgartay inay maamulka Koonfur Galbeed kala shaqeeyaan doorashada madaxwaynaha xiga ee maamulka.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa kusoo fool leh doorashada madaxwaynaha, iyadoona maamulka uu sheegay inuu soo dhowaynayo qof walba oo deegaamadaasi kasoo jeeda oo u tartamaya jagada madaxwaynaha.

Exit mobile version