Ingiriiska oo Gaadiid ku wareejiyay Somalia

Somalia, December 20, 2015-(Daljir)_ Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen;Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini,ayaa gaadiid loogu deeqay Ciidanka Xoogga dalka kala wareegay Safiirka Britain ee Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Harriet Mathews.

Gen;Diini ayaa uga mahadceliyay dowladda Ingiriiska caawimada ay had iyo goor la garab taagan tahay bulshada iyo ciidamada Soomaaliyeed,isagoo sheegay in taageera kastoo ah mid ciidan loo adeegsan doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka dawliga ah.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan saaxiibka nahay ee Ingiriiska oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba. Gaadiidkan guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa dawladda Ingiriiska,” ayuu yiri Wasiirka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen: Maxamed Aaden Axmed oo goobta ka hadlay ayaa xusay in gaadiidkan ay dowladda Britain ugu deeqday ciidanka uu yimid xilli ay jirtay baahi. Isagoo mahadcelin u jeediyey Safiirka iyo dawladda Ingiriiska.

Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire;Harriet Mathews ayaa xustay in taageeridda dowladda Ingiriiska ay u fidineyso Soomaaliya inay ka tahay daacad, Isla markaana ay xoojinayaan gacanta siinayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com