HomeUncategorized

Indhasheel, Axmed Karaash & Biindhe oo loo magacaabay hoggaanka D. G. Khaatumo.

Caption ...

testing ….
Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo dhoweeyey ansixinta golihiisa wasiirada.
DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.


Taleex, Jan 19 – Waxaa maanta la iclaamiyey hoggaanka, xukuumada, tirada golaha wakiilada iyo awood-qaybsiga ee dawlada goboleedka Khaatumo.

Waxaa hogaanka sare ee madaxtooyada loo magacaabay:

Hoggaan:
* Col. Maxamed Yusuf Indhasheel,, M/weyne,
* Axmed Cilmi Cismaan ‘Karaash’ku xigeen,
* C/nuur Cilmi Qaaje ‘Biindhe’, ku xigeen.

Waxaa xusid mudan in Indhasheel uu hore u ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray ciidanka xoogga ee Somaliya, in dhawaalase ku noola qurbaha. Axmed Karaash wuxuu hore u ahaa wasiirka duulista & garoomada ee Puntland 2009 – 2011, halka Biindhe uu isna xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadihii isaga dambeeyey Puntland tan iyo 1998 – 2009.

Xumuumad:
Waxaa sidoo kale la magacaabay xukuumada ka kooban 6 wasiir oo kala ah:

* Maxamed Ducaale Cabdi – Amniga,
* Yaasiin A. Sulub – Arrimaha Gudaha.
* Cismaan Axmed Jeex – Maaliyadda,

* Xuseen Saleebaan X. Axmed ‘Dabey’ – Xiriirka Caalamiga ah,
* C/kariim F. Dhaaye – Horumarinta & Khayraadka,
* Maxamuud Diiriye Cabdi Joof – Arrimaha Bulshada.

Gole Wakiil:
Waxaa sidoo kale la sheegay in la yagleeli doono gole wakiileed oo ka kooban 47 xubnood oo loo kala qaybsaday sidan:

i. 27 xubnood oo min 9 kala matali doonaan 3-da jilib ee Dhulbahante,

ii. 9 xubnood oo min 3 kala matali doonaan 3-da jilib ee Dhulbahante, kana iman doonaan qurbajoogta,

iii. 6 xubnood oo matali doona dumarka,

iv. 3 xubnood beesha Fiqi-shinni, iyo

v. 2 xubnood beesha Gabooye.

Caasimad:
Waxaa sidoo kale la guddoomiyey in Taleex ay ahaan doonto caasimada ku meel gaaarka ah ee D.G. Khaatumo.

Hogganka la magacaabay ayaa loo dhaariyey xilalka loo igmaday.

Halkan ka dhegayso weriye Faysal Jaamac Adam oo ku sugan madasha shirka Taleex oo tafaasiil ka bixinaya magacaabida hoggaanka D.G. Khaatumo.

Khudbadihii magacaabista hoggaanka D.G. Khaatumo.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: