IMF oo Warbixin cusub kasoo saartay Barnaamijka deyn Cafinta ee Somalia

IMF oo Warbixin cusub kasoo saartay Barnaamijka deyn Cafinta ee Somalia

Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta aduunka (IMF) ayay ku sheegtay in Soomaaliya ka gudubtay dib u eegista labaad ee wajiga afaraad ee Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhigan ka gudbida wajiga afaraad ee Barnaamijka.

IMF Waxaa ay madaxda Soomaaliya ku amaantay sida ay xoogga u saarayaan dib u habeynta hey’adaha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqliga qaranka.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa isaga oo ka hadlaya warbixinta caawa ay soo saartay IMF yiri “Waxaa si guul ah noogu dhamaaday hanaankii SMP4 oo ahaa wajigii 4aad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya”

“Tani waa tilaabo weyn iyo natiijo muujineysa inagoo wadajirna in ay naga go’neyd horumarinta Maaliyadda Dalka” ayuu yirri Wasiir Beyle oo qoraal soo dhigay bartiisa Bulshada.

“Soomaaliya hore ayay u dhaqaaqday, marka loo eego isbadalada iyo dib-uhaneynta Maaliyadda” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com