IMB oo Digniin u Dirtay Maraakiibta Isticmaala Badaha Somalia

Arbaco, Feberaayo 03, 2016 (Daljir) —Hadal ka soo baxay Hay’adda Baddaha Caalamiga “The International Maritime Bureau (IMB)” ayaa lagu muujiyey Digniintaasi, si ay Maraakiibta uga nabad galaan Kooxaha Burcad-baddeeda ee Maraakiibta ka qafaasha Baddaha Somalia.
 
Warbixin-sannadeedka Hay’adda IMB ee sannadkii 2015-kii ayey ku boorisay inay Taxadir muujiyaan Maraakiibta ka gudubta Gacan-biyoodka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.
Warbixinta ayaa lagu muujiyey in cabsida weeraradda Burcad-baddeeda weli ka jiraan biyaha ka baxsan Koonfurta Badda Cas, Baabul-mandab, Gacanka Carbeed oo ay ku jiraan Temin, Xeebaha Waqooyiga Somalia iyo kuwa Bariga iyo Koonfurta Somalia.
 
Warbixinta Hay’adda IMB waxaa lagu sheegay inay Burcad-baddeeda horey weeraro uga geysan jireen meel ka baxsan Badda dalalka Kenya, Tanzania, Madagaskar, Sishilis, Mosambiik, Badweynta Badweynaha iyo Xeebaha Koonfurta dalka Hindiya iyo Galbeedka dalka Maldives.
 
Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay inay yaraadeen Weeraradii Burcad-baddeeda ee lala beegsan jirey Maraakiibta Xamuulka ee ku sii jeeda Kenya, tan iyo markii ay Ciiddankooda hawlgalka u soo galeen Somalia.
 
Ugu dambeyntii, Warbixinta ay soo saartay Hay’adda Baddaha Caalamiga “The International Maritime Bureau (IMB)” ee uu fadhigeeda dhexe ku yaallo Caasimadda dalka Britain ee London ayaa tilmaamtay inay cabsi ka jirto in Kalluumeysatada Hubka u qaaday si ay Shabaagtooda uga ilaashadaan Maraakiibta Shisheeyaha  lagu qaldo inay yihiin Burcad-baddeed ka qowleysata Baddaha Furan ee Somalia.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com