Ilyaas c/nuur oo loo doortay gudoomiyaha ciyaaraha fudud ee Mudug

Gaalkacyo, Feb 24- Waxaa maanta oo axad ahayd magaalada Gaalkacyo lagu doortay gudoomiyaha ciyaaraha fudud ee gobolka Mudug.


Munaasabad lagu kala saarayay labo khabiir oo dhanka ciyaarahaa laguna qabtay hoolka NGOga Homboboro waxaa isku soo sharaxay Ilyaas C/nuur iyo Caydiid Xasan.


Gudoomiyaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Mudug C/hodan Dayax-leef oo ka qayb oo kulankaas ka qayb galay ayaa bogaadiyay qaabka loo agaasimay doorasada.


Dhalinyaradii codaynaysay ayaa kala saarayay? Ilyaas C/nuur iyo Caydiid Cabdi Xasan ayaa halkaasi waxay codka ugu badan siiyeen Ilyaas c/nuur ka dib markii uu ka warbixiyay taariikhdiisa dhanka ciyaaraha oo dhan.


Tartankaasi jagada gudoomiyaha ciyaaraha fudud oo labadaasi masuul lagu saaray oo ahaa hab gacantaag ah ayaa waxaa cayaartooyda ay ku doorteen inuu noqdo Gudoomiyaha Xiriirka cayaaraha fudud ee gobolka Mudug Ilyaas C/nuur, waxayna dooranayey masuulka jagadaasi qabandoona cayaartooyda waxaa ayna ahaayeen 12 cayaartooy ayadoona cod dheeri lagu kala baxayey .


Garsoore Caydiid Cabdi xasan oo ahaa qofka kaliya oo la tartamayey Ilyaas C/nuur ayaa aqbalay habka codaynta wuxuuna u hambalyeeyay masuulka ka guulaystay.


Macalin Ilyaas ayaa dhankiisa u mahad naqay ninkii la tartamay iyo sida uu ugu qancay doorashadaani, Ilyaas ayaa sheegay inuu ka qayb qaadan doono hormarinta ciyaaraha fudud.


Diiwaanka Wararka daljir
Gaalkacyo
(S)


Daawo sawirada.
?

\"\"

\"\"

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com