Ilhan Cumar oo shaacisay in ay la aqal gashay Tim Mynett (Daawo)

Ilhan Cumar oo shaacisay in ay la aqal gashay Tim Mynett (Daawo)

Ilhan Cumar oo ka mid ah xildhibaanada Aqalka Kongresska dalka Maraykanka asalkeeduna yahay Soomaali ayaa shaacisay inay la aqal gashay mid kamid ah shaqaalaheeda oo lagu magacaabo Tim Mynett.

Ilhan ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub ee Tim Mynett.

“Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay nolasha, waa barako, Alxamdulilaah”, ayay Ilhan ku qortay sawir ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Instagram-ka.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay in lammaanahan ay is jecel yihiin, waxaana arrintaan sii xoojisay kadib markii Mynett ay kala tageen xaaskiisa iyo weliba Ilhan iyo seygeeda oo kala tagay.

Wargeyska Daily Mail ayaa daabacay in toddobaadkan uu dhacay aqal galka ilhan iyo Tim. Hase yeeshee lammaanahan ayaa hore u beenin jirey inuu xiriir ka dhexeeyo.

Si kasta ha ahaatee wargeyska Minneapoli ee Star-Tribune ayaa daabacay in lammaanahan ay isku guursadeen diinta Islaamka.

Warbixin Hoos ka daawo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com