Ilhan Cumar oo markii saddexaad dib loo doortay

Ilhan Cumar oo markii saddexaad dib loo doortay

Ilhan Cumar ayaa markii saddexaad ku guleysatay doorashada kursiga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka, kadib markii ay ka adkaatay Cicely Davis oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Ilhan oo sanadkii 2018 noqoto qofkii ugu horreeyay ee Somali-Amerikan ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa difaacatay kursigeeda.

Hadal kooban oo ay u jeedisay taageereyaasheda kadib guushii ay gaartay ayay ku sheegtay in guusheedu ay mid Soomaalida u soo hoyatay, isla markaana ay ku faraxsan tahay in dib loo soo doortay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com