Ilhaan Cumar oo u dabaaldegtay sharci ay ansixintiisa ka hor timid

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa aad ugu dabaaldegtay ansixinta Miisaaniyadda Mareykanka iyada oo markii codka loo qaadayay ka mid ahayd XIldhibaannadii ku codeeyay maya.

Ilhaan Cumar ayaa markii Golaha aqalka hoose ee Mareykanka ay meel mariyeen miisaaniyadda Mareykanka waxaa ay soo saartay war-saxaafadeed ay ku soo dhaweysay ansixintiisa hayeeshee markii codka loo qaadayay ayey ka mid ahayd Xildhibaanno diiddanaa.

Wasaraadaha arrimaha dibadda iyo Maaliyadda ayaa Aqalka hoose u gudbiyay miisaaniyadda Mareykanka oo ay ka mid tahay deyn cafinta Soomaaliya.

Waxaa ansixinta miisaaniyadda codka kalsoonida siiyay 280 Xildhibaanka halka ay diideen 138 Xildhibaan oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar.

Ansixinta kaddib Ilhaan ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in deynta laga cafiyay Soomaaliya ay u horseedeyso dalka in uu helo maalgashi islamarkaana horay u socdo.

Warbaahinta Mareykanka ayaa isku dayay in ay Ilhaan wax ka weydiiyaan kala aragti duwanaanshaheeda hayeeshee waxaa ay jawaab ka waayeen Xafiiska Ilhaan Cumar.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa isaguna qalinka ku duugay miisaaniyaddan oo ay ka mid tahay cafinta deynta Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya oo lagu qiyaasay $1.1Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com