Ilaaladda Taliyaha Booliska Puntland oo u soo dhacay Daljir Garoowe (dhegayso)

Ilaaladda Taliyaha Booliska Puntland oo u soo dhacay Daljir Garoowe (dhegayso)

Ciidamadda gaarka ah ee ilaaladda Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janan Muxiyadiin Axmed Muuse Gacmey ayaa maanta si sharci darra ah ugu soo dhacay xarunta Radio Daljir ee Magaaladda Garoowe. Ciidamada ayaa hanjabaad iyo aflagaado isugu daray Agaasimaha Radio Daljir Garoowe, Gaalkacyo iyo Burtinle Md. Salmaan Aadan Cali (Jikaarta).

Ciidamada Jananka oo labo kamid ah ay hubaysnaayeen midna uu ahaa dharcad isla markaana ka amarqaata Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muxyadin Gacmey ayaa saacadu markay ahayd 12:59 PM duhurnimo si xoog ah ku soo galay xafiisyada idaacada iyago oo shaqaalaha weydiiyey “aaway Agaasimaha Guud ee Radio Daljir Axmed Sheekh Maxamed (Tallaman) iyo Wariye Ayaanle Jaamac?”

Labada wariye ayaa diyaariyey warbixin ku saabsan xuquuqul insaanka Puntland iyo dil iyo dhac ay geysteen ciidanka u gaarka ah Muxiyadiin Gacmey, kana geeysteen xeebta magaaladda Boosaaso, una geysteen muwaadin ku dhashay degmada Awdheegle, muwaadinkaas Soomaaliyeed oo ugu danbeyn isla xeebta Bossaso ugu dhintay jirdil ba’an oo ay ciidamada Jananku u geysteen.

ilaaladda Jananka ayaa intaas kadib u soo gudbay Xafiiska Agaasime Jikaarta iyago ku amray in uu damiyo laabtopkiisa isla markaana si hanjabad ku jirto ula dhaqaaqay bannaanka hore ee idaacada, kuna yiri, “istaag, oo u tag taliyaha bannaanka taagan ee ku sugaya.”

Haddaba ammurtaas iyo hanjabaadda loo hanjabayo Agaasimaha iyo shaqaalaha Daljir waxaan isla galabta ka waraysanay Agaasime Guud Axmed Sh. Maxamed Tallman.

Hoos ka dhegayso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com