Iiraan oo walaac ka muujisay shirkii  Nukliyeerka ee ka socday Vienna

HomeWararka

Iiraan oo walaac ka muujisay shirkii Nukliyeerka ee ka socday Vienna

Xilli galinkii danbe ee shalay la soo gabagabeeyay wareegii labaad ee wadahadaladii ka socday Vienna, ee ku saabsanaa heshiiskii Nukliyeerka Iiraan, a

Dhacdo Xanuun leh:- Abbe is dilay isago Live Facebook Kujira Sabab?
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo magacaabay Afhayeenka Booliska
Faahfaahin: Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday Xarunta Ciidanka Danab ee Balli-doogle

Xilli galinkii danbe ee shalay la soo gabagabeeyay wareegii labaad ee wadahadaladii ka socday Vienna, ee ku saabsanaa heshiiskii Nukliyeerka Iiraan, ayay u qaabilsanayaashii Dehraan, waxay shirka ka muujiyeen walaac.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Vienna, caasimadda Austria, kaa oo la filaayay in ay ka soo bixi doonaan is afgarad laga gaaro arrinta Nukliyeerka Iiraan, balse waxay u muuqataa in madaxa wada xaajoodka Iiraan, Cabaas Caraqji, uusan ku qanacsaneed habka uu u socda shirka.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibada Iiraan oo la hadlayay warbaahinta, shalay gabal dhacii ayaa carabka ku adkeeyay in halis badan ay ku hor dadbantahay guusha wadahadalada, isagoo intaa ku daray in ay muhiim tahay in la fahmo mowqifka Iiraan ee heshiiskan.

Wakiilka Midowga Yurub, u qaabilsan wada xaajoodka Joseph Borrell, ayaa yiri: “waxaan ognahay in howshu aysan sahlaneen, dhamaan wufuuddu waa kuwa ay ka go’antahay in xal laga gaaro wadahadalada.”

Joseph Borrell, ayaa sidoo kale xusay in koox seddexaad oo khubaro ah lagu biirin doona shirka, si ay wax uga qabtaan arrimaha farsamada, isaga oo tilmaamay in waddada kaliya ee looga miro dhalinkaro shirka ay tahay diblomaasiyad aan hagar laheen, si meesha looga saaro wax kasta oo keena karo gorgortan.

Dhamaan wufuudda ka qeyb gashay shirka ayaa dib ugu laaban doona waddamadooda, si ay ula tashadaan madaxdooda, kahor inta aan markale lagu soo laaban miiska wadahadalada, wareega saddexaad ee shirka oo meeshiisa ka sii socon doona Toddobaad kadib.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: