Iiraan: Labo qof ayaa laga helay cudurka Corona

Iiraan: Labo qof ayaa laga helay cudurka Corona

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Iiraan ayaa sheegtay in 2 qof ay u geeriyootay cudurka Corona sida ay muujinayaan baaritaano horudhac ah oo la sameeyay.

Afahayeen u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in labadaas qof ay ahaayeen dad da’ ah isla markaana habka difaaca jirkooda uu ahaa mid nugul.

Waxaana lagu daweynayay isbitaal ku yaal gobolka Qom.

Ku-xigeenka wasiirka caafimaadka Iiraan, Qaasim Janbabaei ayaa weriyeyaal u xaqiijiyay in labada qof ee u dhintay cudurka ay u dhasheen dalkaas.

Waa kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona ee laga soo sheego gudaha Iiraan.

Wakaaladda wararka ee dowladda ayaa ku warrantay in labadaas qof aysan ka safrin gudaha waddanka Iiraan ka hor inta aysan cudurka u dhiman.

Waxay dowladda sheegtay in la xirayo dhammaan Iskuulada iyo jaamacadaha ku yaal gobolka Qom si looga hortaggo cudurka uu ku faafo halkaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com