HomeUncategorized

IGAD oo qabanaysa shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga geeska Africa.

War ka soo baxay Urur Gobaleedka IGAD ayaa lagu sheegay in kulan qaas ah oo looga hadlayo xaaladaha adag oo ay ku jiraan qaxootiga soomaaliya in lagu qaban doono 25 bishan March sanadka 2017- gudaha magaalada Neirobi ee dalka Kenya kaa oo lagu casuumay madaxda dalalka urur goboleedka IGAD oo dowlada Soomaaliya ay qeyb katahay.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Cabdifatax Cumar Geeddi.
Waraysiyo ku saabsan iska-horimaad ku dhex maray Khayr-seexay, ee duleedka Garowe, dablay beeleed & ciidanka amniga ee Puntland.
Urur siyaasadeedka Midnimo oo dhalliilay guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland

War ka soo baxay Urur Gobaleedka IGAD ayaa lagu sheegay in kulan qaas ah oo looga hadlayo xaaladaha adag oo ay ku jiraan qaxootiga soomaaliya in lagu qaban doono 25 bishan March sanadka 2017- gudaha magaalada Neirobi ee dalka Kenya kaa oo lagu casuumay madaxda dalalka urur goboleedka IGAD oo dowlada Soomaaliya ay qeyb katahay.

 Todobaadkii aynu ka soo gudubnay ayaa madaxweynaha Kenya uhuru Kenyatta iyo Ra’isul wasaaraha Ethopia Hailemariam Desalegn, waxeey u gudbiyeen Hogaamiyaha IGAD kulanka laqaban doono waxa looga hadlayo iyo waqtiga la’qabanaya kaa oo hogaamiyaha IGAD aqbalay.  

Waxaa sidoo kale warkan ka soo baxay IGAD lagu sheegay in ka badan 2 Million oo soomaali ah in ay barakacsan-yihiin kuwaa oo xaaladaas ku sugan muddo ku dhaw saddex qarni halka 1.1 ay ku barakaceen isla gudaha dalka Soomaaliya.  

Dhinaca kale ku-dhawaad 900,000 oo Qaxooti badankooda ah Jiilka 3-aad ayaa ku sugan Mandiqadda.  

Kenya waxaa ku sugan 324,000 oo Qaxooti ah,

Jabuuti waxaa ku sugan 39,500 oo qaxooti ah,

Uganda waxaa ku sugan 39,500 oo Qaxooti ah,

Ethiopia waxaa ku sugan 241,000 oo Qaxooti ah iyo

Yemen oo ay ku sugan yihiin 255,000 oo Qaxooti ah.    

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: