IGAD oo dowladda Somaliya ku boorisay hirgalinta nidaamka faderaalka ee Somaaliya

Addis ababa , Jan 24 – Urur goboleedka IGAD oo ay ku bahoobeen lix dowladood oo katirsan Bariga Afrika ayaa ku amaanay dowladda faderaalka Soomaaliya kaalinta ay ka qaadanayso nabad kusoo dabaalidda wadanka iyo maamul u samaynta gobolada dalka ee laga saaray ururka Al-Shabaab.

Warmurtiyeed kasoo baxay shirkii? 46-aad ee golaha wasiirada IGAD ayaa looga codsaday dowladda Soomaaliya inay dadajiso maamul u samaynta gobolada dhawaan ciidamada dowladda iyo AMISOM ay qabsadeen.

Waxaa dowladda Soomaaliya dhinaca kalle looga codsaday diyaarinta dalab ku’ aadan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya, taasi oo ay dowladdu siweyn dadaal ugu jirto.

Urur goboleedka IGAD ayaa warsaxaafadeedka uu soo saaray? waxaa lagu? cambaareeyey cid walbo oo ka soo horjeedda dib u dhiska Soomaliya.

Dowladda faderaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa laga sugayaa maamul u samaynta gobolada badan oo dalka katirsan, waxaana arintani ay imaanaysaa xilli caqabadda ugu wayn ee maamul u samaynta ay ka taagantahay gobolada Jubooyinka.

Diiwaanka wararka

Daljir Bossaso.


?

Daljir.com

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *