Ibrahimovic oo Guul Darro Ka Badbaadiyeye Manchester United

Manchester United ayaa kulankii labaad oo xidhiidh ah barbarbo niyadjab leh ku gashay garoonkeeda inkaarta ku noqtay ee Old Traffrod waxaana kooxda Mourinho guuldaro soo gaadhaysay ilbidhiqsigii ugu danbeeyay gool rekoodhe ah kaga badbaadiyay Zlatan Ibrahimovic oo bartilmaameedkii ugu horeeyay ee uu kulankan ku sameeyay ciyaarta ku soo gabagabeeyay.

Ashley Williams ayaa kaadhka cas oo toos ah loo taagay kadib markii uu gacan ku joojiyay darbo uu Luka Shaw gool ku dhalin lahaa waxayna Man United guuldaro kaga badbaaday dirqi iyo rekoodhe uu Ibrahimovic kaga caawiyay in ay ugu yaraan hesho hal dhibic taas oo ahayd waxa ugu fiican ee ay heli kartay dhamaadkii ciyaarta. Rajadii Man United ay ka qabtay afarta kaalmood ee sare ayaa si cad u sii muuq beelaysa iyada oo afar dhibcood jamaahiirteeda ku hor lumisay hal todobaad gudihii.

DAAWO

https://youtu.be/YjFPPW2ZhKc


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com