Howlgalo ka socda magaalada Gaalkacyo

Howlgalo ka socda magaalada Gaalkacyo

Ciidamo amniga ee Puntland ayaa howlgal ka sameeyay Xaafado ka tirsan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kadib markii xalay halkaas lagu dilay Taliyihii Nabadsugida Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

Howlgalkan ayaa intii uu socday ayaa waxaa lagu soo qabqabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Gol. Xaashi Aaden Cilmi.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Puntland ayaa sheegay in dadkii lagu qabtay howlgalka laga sameeyay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu sameeyn doono baaritaano kala duwan, isla markaana haatan ay la xiray yihiin.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkii lagu dilay taliye Xaashi Aaden Cilmi, kadib markii war qoraal ah ay kusoo qoreen barahooda Internet-ka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com