Howlgallo ammaanka oo kasocda Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa maanta xiray qaybo ka mid ah waddooyinka waawayn ee magaalada Muqdisho, iyagoona baaritaano ku wada dadka shacabka ah ee waddooyinka adeegsada, waxaana hakad ku jira isku socodka gaadiidka.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid isgoyska Tarabuun ee degmada Hodan, Maka Al-Mukarama iyo waddooyin kalle.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay qaraxyada lala beegsanyo waddooyinka, waxaana weerar Khamiistii lasoo dhaafay lagu qaaday hotel kuyaala Muqdisho ku geeriyooday dad ka badan 15-ruux.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com