Howlgalka Midowga Yurub ayaa Agab Ciidan Ku Wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Howlgalka Midowga Yurub ayaa Agab Ciidan Ku Wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska ciidanka xoogga ayaa agab ciidan oo casri ah kala wareegay howlgalka Midowga Yurub oo taageero siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Lugta ee Soomaaliya Janaraal, Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in qalabkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay howlaglka ciidanka xoogga, wuxuuna xusay in guulaha ciidanka ay qayb ka tahay adeegsiga qalabka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Maxamed Siciid Samatar ayaa howlgalka Midowga Yurub ugu mahad celiyay tababarrada iyo qalabaynta ciidanka xoogga ay mar kasta la garab taagan yihiin

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Siciid Samatar oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu faray Ciidanka Xoogga dalka inay sidii loogu tala-galay u adeegsadaan agabka ee howlgalka Midowga Yurub ku wareejiyay dowladda

Howlgalka Midowga Yurub ayaa taageero dhinacyo kala duwan ah siiya dowladda Federaalka, wuxuuna howlgalka Ciidamada xoogga dalka ka taageeraa tababaro iyo latalin joogta ah siiya saraakiisha iyo Ciidamada dowladda, gaar ahaan Ciidanka Milatariga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com