Howlgaladii ugu waawaynaa oo ammaanka oo kasocda Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa xalay sameeyey howlgal balaaran oo lagu baarayo xaafadaha ku yaala magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa kadhacay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, waxaana sida wararku ay sheegayaan lagu soo qabtay dhalinyaro badan.

Dhalinyarada ayaa lagu sameeyey baaritaano qaarkoodna lasiidaayay, halka qaarka kallena ay ciidamadu ay kaxaysteen.

Taliska Booliska ayaa sheegay in howlgalo laga sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa iyo Dayniile lagu qabtay illaa 70 ruux oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com