Howlgal lagu qabtay Burcad badeed

HomeWararka

Howlgal lagu qabtay Burcad badeed

Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ka wadaan Xeebaha Somalia ee (Operation Atalanta) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Burcad-baddeed Soom

Barnaamijka Muuqaalka Bulshada, Muxuu ka dhigan yahay aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya?
Ciidamadda Dowladda Somaaliya oo Howlgal kasameyeey Muqdisho
RW ku xigeenkii Hore ee Somaaliya Carte oo ku baaqay in laso ceeliyo Wadahadali Somaliland (dhegayso)

Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ka wadaan Xeebaha Somalia ee (Operation Atalanta) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Burcad-baddeed Soomaali ah oo dhowr maalmood ka hor ku fashilmay inay qafaashaan Labo Dooni Kalluumeysi oo laga kala lahaa dalalka Spain iyo  Koonfurta Kuurya oo marayey meel 280 nautical miles ka baxsan Xeebaha Somalia ee Badweynta Hindiya.

Hadal ka soo baxay Hawlgalka Atalanta ayaa lagu sheegay inay dabagal ku sameeyeen Burcad-baddeedaasi oo iyagu afduubka u adeegsaday Dooni ay Kalluumeysato  Yemeniyiin lahaayeen.

Shilka Burcad-baddeeda oo dhacay muddadii u dhexeysay bishan 21-dii iyo 23-dii April ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee ay Burcad-baddeedka ka geysteen meel ka baxsan Xeebaha Somalia tan iyo bishii October ee sannadkii hore.

Markab Dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Badda ee EU-da ayaa la sheegay inay dabagal ku sameeyeen Doonida ay Burcad-baddeeda u adeegsadeen weerarkii fashilmay ee ay ku qafaalan lahaayeen labada dooni ee ka baxsaday.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: