Howlgal dad lagu xiriray oo maanta ka dhacay degmada Burtinle

Howlgal dad lagu xiriray oo maanta ka dhacay degmada Burtinle

Ciidamada amniga ee degmada Burtinle ee ayaa maanta howlgal ka sameeyay duleedka degmada, ka dib markii dadku ay cabasho xoogan ay ka muujiyeen xaalufka lagu hayo deegaanka .

Ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigan  Nin ku Shaqeysta Makiinada Cagaf Cagafta loo yaqaano,kaas oo lagu eedeeyay in uu sisharcidarro ah uu dad ula heshiiyay,isla markaana uu Cagafta ku bur buriyay dhul farabadan oo ay xooluhu daaqi jireen.

Cabashada dadka ku dhaqan degmada Burtinle ayaa soo gaartay radio Daljir ,  oo xalay ilaa iyo saaka lagu baahiyay Barnaamijyada ka baxa idaacada . taas oo keentay maanta in howlgalkan lagu soo qab qabto dadkii ka dambeeyay falkan.

Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada  dowladda Puntland ayaa horay awaamiir uga soo saartay seerooyinka sharci darada ah iyo dabar goynta dhirta iyo daaqa.

Ninkii lahaa Cagafta ayaa waxaa loo  dhaadhiciyay maanta xabsiga wayn ee magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com