Howlgal amniga lagu xaqiijinayo oo ka billaawday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland

Howlgal amniga lagu xaqiijinayo oo ka billaawday  Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland

Waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ka billaawday howlgal amni xaqiijin ah oo ay sameeynayaan Ciidamada Booliska, kuwa Madaxtooyada & Ciidamada Sirdoonka Puntland.

Howlgalka ayaa Ciidamada siwadajir ah waxaa ay uga fuliyeen dhamaan Xaafadaha Magaalada Garoowe, iyada oo howlgalka xoogiisa laga fuliyay Xaafadaha ku teedsan Xarunta Madaxyooyada Puntland.

Saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu yahay xaqiijinta Amniga Magaalada si looga hortago waxkasta oo keeni kara Amni darro, balse aysan jirin falal Amni darro oo ka dhacay Magaalada Garoowe.

Saraakiishu ma sheegin waxyaabo lagu soo qabtay howlgalka ay sameeynayeen Ciidamada oo wadajir ah, hayeeshee ay howlgallada sii wadi doonaan si loo xaqiijiyo Amniga Guud ee Magaalada Garoowe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com